Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliyeed, Asad Cabdullaahi Cismaan, oo dhawaan xilka loo magacaabay, ayaa maanta si rasmi ah u la wareegaya xilka hoggaanka ciidanka Booliska. Xafladda xil-wareejinta oo haatan si weyn loo soo agaasimay ayaa ka socota magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qaybgalayaan masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, saraakiisha amniga, iyo wakiillo kale oo caalami ah.
Taliyihii hore ee Booliska, Sulub Axmed Fidhin, ayaa maanta xilka si rasmi ah ugu wareejinaya Taliyaha cusub, Asad Cabdullaahi Cismaan. Sulub Axmed Fidhin, oo isna dhawaan xil kale loo magacaabay, ayaa mudadii uu xilka hayay ku soo kordhiyay waxqabad muuqda oo la xiriira dib-u-habaynta ciidanka iyo sugidda amniga gudaha.
Taliyaha cusub, Asad Cabdullaahi Cismaan, ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka waday magaalada Muqdisho kulamo muhiim ah oo uu la yeeshay diblomaasiyiin iyo saraakiisha sar-sare ee dowladda, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca amniga iyo horumarinta ciidamada booliska. Kulamadaas ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo kordhin lahaa tababarada ciidanka, qalabaynta, iyo la dagaallanka argagixisada, taas oo qayb muhiim ah ka ah qorshaha ballaaran ee dib-u-dhiska hay’adaha amniga.
Xilka loo magacaabay Asad Cabdullaahi Cismaan ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay xoogga saaraysa sugidda amniga guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka lagula jiro AS. Asad Cismaan waxaa laga filayaa inuu sii ambaqaado dadaalladaas, isagoo kaashanaya xirfaddiisa ciidan iyo taageerada uu ka helayo dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya.