Nuur-dugle, Shabeellaha Dhexe – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho dhiirrigelin ah ku tegay geesiyaasha xaq u dirirka ee ku sugan deegaanka Nuur-dugle, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo culus oo lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo dagaalka lagula jiro kooxdan, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay guulo la taaban karo ka soo hoyeen furimaha dagaalka. Taliyaha ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay laba jibbaaraan howlgallada ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe, si loo ciribtiro kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya deegaannada Hirshabeelle.
Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa balan qaaday in ciidamada ku sugan aagga dagaalka la gaarsiin doono saad iyo saanad kasta oo ay u baahan yihiin, si ay u sii wadaan howlgallada lagu xoreynayo deegaannada ay kooxda Al-Shabaab ku sugan tahay.
Dhanka kale, ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maalmahan waday howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana la xaqiijiyay in laga saaray deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isna tegay qaar kamid ah deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe, si uu ugu kuur-galo xaaladda dagaalka, una dhiirrigeliyo ciidamada iyo dadka deegaanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Howlgallada socda ayaa la filayaa in ay sii xoogeystaan, iyada oo dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday qorshe ballaaran oo lagu xoreynayo guud ahaan dalka.