Furimaha hore – 12ka April 2025: Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta si rasmi ah ugu hambalyeeyay dhammaan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda munaasabadda 12-ka April, oo ku asteysan maalinta dhidibada loo taagay Ciidanka Xoogga Dalka.
Taliyaha oo hadda ku sugan furimaha hore ee dagaalka, ayaa si gaar ah ugu bogaadiyay geesiyaasha ku sugan jiidda hore ee dagaalka, kuwaas oo uu tilmaamay in ay yihiin tiirka difaaca qaranka iyo astaan u ah dadaalka lagu xoreynayo dalka. “Ciidanka Xoogga Dalka waa tiirka qaranka, waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan askarta Soomaaliyeed iyo eheladooda munaasabadda qiimaha badan ee 12-ka April,” ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay xaaladda dagaalka ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo sheegay in howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab uu marayo meel xasaasi ah, isla markaana uu yahay kii ugu culus ee dhawaanahan laga sameeyo gobolladaas. Waxa uu intaas ku daray in dagaalka lagu xoreynayo deegaanadaasi uu sii socon doono ilaa laga cirib tiro cadowga ummadda Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa farriin dhiirrigelin ah u diray Ciidamada Maamulka Puntland, isagoo si gaar ah u bogaadiyay guulaha ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah kooxaha Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda gobolka Bari.
“Waxaan la dardaarmayaa Ciidamada Puntland in ay sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish, guulaha ay gaareenna waa kuwo muujinaya in cadow kasta oo qaranimada iyo nabadda lid ku ah la jabin karo haddii la isku duubnaado,” ayuu yiri Taliyaha.
Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka ayaa sheegay in qorsheyaal dheeraad ah lagu diyaariyay xoojinta gulufka dagaalka, si loo xaqiijiyo xasillooni iyo nabad waarta guud ahaan dalka.