Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa kormeer shaqo ku sameeyay saldhigyo ku yaala gobolka Banaadir, kuwaas oo muhiim u ah amniga caasimadda. Kormeerkan oo ka dhacay caawa ayaa lagu tagay saldhigyada degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Cabdicasiis, iyo Xamarweyne, halkaas oo Taliyuhu si dhow ugu kuurgalay xaaladda shaqo ee ciidamada boliiska.
Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd in Taliyuhu xaqiijiyo in adeegyada amniga ee ay bixiyaan saldhigyadu si habsami leh ugu qabsoomayaan bulshada. Waxa uu sidoo kale indho-indheeyay sida ay ciidamada boliisku ugu diyaar garoobeen sugidda amniga, iyo in adeegyada boliisku ay si hufan u gaaraan dadka degaanka.
S/Guuto Asad ayaa bogaadiyay shaqada adag ee ciidamada boliiska ay qabtaan, isagoo ammaan u jeediyay dadaalka ay ugu jiraan sugidda nabadgelyada. Wuxuu ku boorriyay inay sii laba jibaaraan howlahooda, si loo xoojiyo amniga iyo kalsoonida ay bulshada ku qabaan ciidamada.