Saacadaha soo aaddan ayaa la filayaa in la Magacaabo Taliyaha qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Xilkaasi oo horay u hayay Taliyihii dhawaan la dilay Farxaan Maxmuud Aaadan Farxaan Qaroole.
Warar hoose oo aynu helnay ayaa tilmaamaya in goordhaw si rasmi ah loo soo saari doono magacaabista Taliyaha Cusub, kaasi oo hadda ay socoto diyaar garowgii ugu dambeeyay ee lagu shaacinayo Taliyaha Cusub.
Taliyaha Cusub ee la magacaabayo ayaa sida aynu xog ku helnay waxaa lagu Magacaabaa Mahdi Cumar Muumin, kaasi oo horay u ahaan jiray Taliyihii Nabad Sugidda Galmduug.
Taliyaha Cusub ee dhawaan la shaacin doono ayaa xogo hoose waxaa ay sheegayaan in uu isku qaban doono labadii xil ee horay uu u hayay Farxaan Qaroole, ee kala ahaa Taliyaha Qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Haramcad.
Wararka aynu helnay ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in hadda ay socoto qaban-qaabadii ugu dambeysay ee lagu magacaaabayo Taliyaha Cusub.
Xilka Taliyaha Qaybta guud ee Boooliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa hayay Alle ha u naxariistee Taliye Farxaan Qaroole oo dhawaan Al-Shabaab ay qarax ku dileen, kadib markii qarax uu ku haleelay degaanka Basra ee Gobolka SHabeellaha dhexe.