Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Kestitis Lancinskas. Kulankan oo muhiim ah ayaa labada masuul waxay si qoto dheer uga wada hadleen arrimo muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga iyo wada shaqaynta u dhexeysa Taliska Booliiska Soomaaliyeed iyo howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.
Diiradda kulankooda ayaa saarnayd sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga, gaar ahaan ka hortagga khataraha argagixisada ee ka jira Soomaaliya. Sidoo kale, waxay ka wada hadleen kordhinta taageerada Midowga Yurub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, iyadoo la rajeynayo in tababaro, qalabeyn, iyo taageero farsamo loo sii wado si kor loogu qaado awoodda booliiska dalka oo ay uga hortagaan falalka argagixisada iyo dembiyada abaabulan.
Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid sare u qaadi doona xiriirka dhow ee ka dhexeeya Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo howlgalka Midowga Yurub, waxaana la filayaa in tallaabooyin cusub oo wada shaqayn ah la qaado si looga hortago caqabadaha amni ee dalka ka jira.