Taliska qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey Mowliid Maxamed Sheekh Manuur oo ka mid ahaa mudo 5-Sano ah Al-shabaab, kaas oo maanta isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka.
Saraakiisha Ciidanka qeybta 60-aad ayaa waxaa ay sheegeen in Mowliid uu Al’shabaab u qaabilsanaa Jabhada, isagoona ka howlgaleyey Gobolada Bakool , Galgaduud , Mudug, iyo Shabeellaha dhexe.
Isa-soo dhiibaha ayaa sheegeyey in sababta ku Kaliftey in Alshabab isaga soo baxo ay tahay dhibaatada ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana soo dhaweyn ay u sameeyeen Ciidanka dowladda Federaalka.
Taliska Ciidanka Xoogga ayaa marar badan deegaano ka tirsan maamul Goboleedyada kusoo bandhigay xubno ay sheegeen in ay kasoo goosteen Al-shabaab, mana jiro Al- shabaab war ay kasoo saaraan xubnahaasi lasoo bandhigo.