Militeriga Soomaaliya ayaa sheegay inay dileen 10 dagaalame oo ka tirsan Al Shabaab kadib howlgal ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda Soomaaliya.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay howlgal qorsheeysan inay ka sameeyay degaanka Qabdho oo hoostaga degmada matabaan ee gobolka hiiraan halkaas oo ay khasaare xoogan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, waa sida ay hadalka u dhigeene.
Ciidanka waxay sidoo kale sheegeen inay burburiyeen goob Shabaabka ay shacabka uga qaadi jireen lacago.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Yuusuf Raage ayaa Warabaahinta dowladda Sida u sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab ee degaanadaasi ay ka fuliyaan.