Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa soo saaray Amaro cusub oo la xiriira sugida ammaanka Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolkaas ahna Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland.
Taliyaha Gobolka Nugaal Xussen Cali Maxamuud oo shir Jaraa’id qabtay u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska aysan wax rasaas ah ku ridin gudaha Magaalada Garoowe, isal markaana arrintaas laga mamnuucay laamaha amniga.
Wuxuu sheegay Taliyaha inay Caasimadda Maamulka ka wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga, isla markaana lagula dagaalamayo ragga hubeysan ee ka Ganacsada waxyaabaha maandooriyaha oo uu xusay Taliyaha inay haatan yaraadeen.
Sidoo kale Taliyaha Gobolka Nugaal Xussen Cali Maxamuud ayaa waxaa uu shacabka, Ganacsada iyo Culimada, ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego falalka amni darro, sidoo kalena Digniin u diday dadka guryaha kireeya..
Taliyaha qaybta Booliska Gobolka ayaa ka qayb galay Shirka Guddiga Amniga Gobolka Nugaal Waxana Shir Guddominayay Gudomiyaha Gobolka, isla markaana Warbixino looga dhageystay Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo hay’addaha kale ee amniga…