Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay weerarka ka socda hotelka Pearl Beach oo ku yaalla xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir oo Caawa Al-Shabaab ay ku qaadeen weerar ku bilowday qaraxyo.
Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka ayaa lagu sheegay in ciidanka ammaanka ay wadaan howlgal ay kusoo afjarayaan weerarka lagu qaaday hotelka Pearl Beach oo haatan ay ka dhex dagaalamayaan xubno ka tirsan Al-shabaab iyo ciidanka amniga.
Sidoo kale Booliska ayaa intaas kusii daray in ciidanka amniga ay soo badbaadiyeen dad farabadan oo shacab ah oo ku sugnaa hotelka, ayan weli wadaan soo badbaadinta dad kale oo weli ku go’doonsan hotelka oo ka socoto haatan rasaas xoog leh.
“Ciidamada amniga ayaa dad badan oo shacab ah ka soo badbaadiyay goobta, hawlgalku ayaana weli socda  iyadoona uu goobta joogo Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Macalin Mahdi oo Howgalka hugaaminaya†ayaa lagu yiri Qoraalka.
Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerarka ku bilowday qaraxyada ee caawa lagu qaaday hotelka Pearl Beach oo ku yaalla xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, in kastoo aan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah.