Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa kulan Dag-dag ah isugu yeeray shirka khamiislaha ee hoggaamada iyo fadhiyada madaxa banaan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Kulankaasi dag-daga ah ayaa ujeedkiisu aheyd sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha amni-daro ee ku soo korartay magaalada caasimadda ee Muqdisho  iyo sidii wax looga badalilahaa nanaanka shaqo ee Ciidanka ee ku sugan caasimada dalka.
Taliye Sulub Axmed ayaa sheegay in uu magacabayo Guddi ka shaqeynayo kormeerida Baraha hubinta gaadiidka, kuwaasi oo wacyi-galin buuxda u sameeynayo ciidamadaasi, maadama loobahanyahay in wax laga badalo habdhaqanka ciidamada Booliska.
Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha Booliska Sulub Axmed Firin ayaa waxaa uu tilmaamay inay muhiim ay tahay in la xoojiyo sugida amniga Muqdisho oo faraha kasii baxaya, isla markaana saacadihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen dilal loo geystay dad shacab ah.
Ugu danbeyn, Taliyaha Booliska ayaa ku amray taliyeyaasha in la xasilinayo caasimada, iyadoo laga dulayo cabashooyinka shacabka Soomaaliyeed, iskulana xisaabtamayo dhacdooyinka soo laa laabtay.
Si kastaba, amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya, waxaana 72-saac ee lasoo dhaafay ka dhacaayay dilal loo geystay dad shacab ah, waxaana dadka ugu badan ku dhinteen iska horimaadkii ka dhacay Isgoyska Siinaay, oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof oo isugu jiray Askar iyo shacab.