Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay dil magaalada Muqdisho habeeno kahor loogu geystay ganacsade lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Abuukar Axmed, kaasi oo markii hore la afduubtay, kadibna la dilay.
Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo ah Afhayeenka Booliska oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay ku raadjoogaan shaqsiyaadkii ka danbeeyay dilka loo geystay Abuukar Axmed oo ay dileen rag hubeysan oo gaari kala dagay, xilli uu ku sugnaa degmada Hiliwaa.
Wuxuu Afhayeenka tilmaamay in la bar garanayo raggii dilay ganacsaha, isla makaanaΓΒ ay socdaan baaritaano ay wadaan hayΓ’β¬β’addaha amniga, lana soo qaban doono, Abuukar Axmed ayaa meydkiisa laga helay degaanka Garasbaaley.
Γ’β¬ΕWaxaa la garanayaa raggii dilay Abuukar, baaritaano ay sameeyeen laamaha amniga ayaa lagu ogaaday, waxaana ku raadjooga heyΓ’β¬β’adaha amniga, markii soo qabashadooda lagu guuleystana waxaa la hor keeni doonaa cadaaladda,Γ’β¬Β ayuu yiri Sadiiq Doodishe.
Afhayeenka ayaa sidoo kale ka warbixiyey kiiska Xildhibaan hore Axmed Aadan oo ka soo jeeday Somaliland, kaasoo isna meydkiisa laga helay hotel ku yaalla degmada Xamarweyne, isagoo xusay in haweeney loo soo xiray arintaas lana baarayo sida uu u geeriyooday.
Muddooyinkan dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayay dilalka qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo hubeysan iyo falal kale oo ka dhex dhacayay qoysas oo qaarkood ay dadka Soomaalida aad uga argagaxeen.