Taliska Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa Maanta oo Axad ah soo saaray amar cusub oo lagu sugayo amniga degmooyinka Gobolkaas, xili berri la filayo inay ka dhacdo degmo ka tirsan Gobolkaas doorasho qof iyo Cod ah.
Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in la xiriri doono isku socodka gaadiidka ee degmooyinka Gobolka, laga bilaabo lixda Maqribnimo ee Caawa, iyagoona gaadiidleyda lagu wargeliyay amarka lasoo saaray.
Sidoo kale Taliye Xuseen Cali ayaa laamaha amniga qeybahooda kala duwan faray inay sugaan amniga degmooyinka Gobolka Bari, xili degmada Ufayn oo ka tirsan Gobolkaas ay doorasho qof iyo Cod ah ka dhacayso.
Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud ayaa Bulshada ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego falalka amni darro ee xiliyada qaarkood dhaca, maadaama doorasho ay ka dhaceyso degmada Ufayn.