Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir gaar ahaan saldhigga boliiska degmada Waaberi ayaa  Sheegay inay gacanta kusoo dhigeen Nin ay baahiyeen sawirkiisa oo  ku eedeysan inuu si qarsoodi ah u gadaayay xashiish.
Booliska oo soo saaray Qoraal ayaa sheegay Eedeysanaha lasoo qabtay shalay, xili uu ku guda jiray ka ganacsiga waxyaabaha maaanka dooriya oo horay Maamulka Gobolka Banaadir uu amarro culus uga soo saaray.
Qoraalka aksoo baxay Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir ayaa intaasi kusii daraya in Eedeysanaha lagu qabtay sagaal bac oo xashiish, oo sida Booolisku sheegeen uu ka ganacsanayay.
“13/06/2023 abaaro 20:00pm Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir gaar ahaan saldhigga boliiska degmada Waaberi ayaa gacanta kusoo dhigay ninkan idiin muuqda, kaasoo ku eedeysan inuu si qarsoodi ah u gadaayay xashiish.Eedeysanaha ayaa lagu qabtay sagaal bac oo xashiish, waxaana la waafajin doonaa sharciga hadduu alle idmo†ayaa lagu yiri Qoraal kooban oo kasoo baxay Boooliska.