Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa dhiggeeda dalka Turkiga, ayaa si guul leh ugu soo gabagabeysay magaalada Isparta tababar heerkiisu sareeyo oo loo qabtay afar urur oo ka tirsan Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Tababarkan ayaa ah mid ka tarjumaya tilmaamaha Madaxda Qaranka ee ku aaddan tayeynta iyo horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka, si ay ugu filnaadaan mas’uuliyadda muhiimka ah ee la wareegidda amniga dalka. Ciidamada tababarkan ka faa’iideystay ayaa lagu qalabeeyay xirfado ciidan oo casri ah, kuwaas oo lagu taageerayo hawlgallada lagu xoreynayo dalka.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ka hadlay munaasabadda xiritaanka tababarkan, ayaa si diirran ugu mahadceliyay dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, garab istaagga hagar la’aaneed ee ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa tilmaamay in iskaashiga xooggan ee labada dal uu gundhig u yahay horumarinta awoodda ciidan ee Soomaaliya iyo dadaallada lagula dagaallamayo AS.
Ciidamada Kumaandooska ee tababarkan ka soo baxay ayaa lagu wadaa inay kaalin mug leh ka qaataan hawlgallada socda ee dib loogu xoreynayo dalka, iyadoo la xoojinayo amniga iyo kala dambeynta guud ee Soomaaliya.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa mar kale ku adkaynaysa sida ay uga go’an tahay in ciidanka Soomaaliyeed loo diyaariyo mas’uuliyadda ilaalinta amniga iyo difaaca qarannimada, iyadoo iskaashiga caalamiga ah uu sii xoogeysanayo.