228 ka mid ah taageerayaasha mucaaradka Eritrea ayaa lagu xiray Jarmalka kadib markii ay isku dhaceen booliska, magaalada koonfureed ee Stuttgart, waxaa sidaas sheegay booliska.
Isku dhacyada ayaa qarxay habeenkii Sabtida markii taageerayaasha mucaaradka ay isku dayeen inay arbushaan munaasabad ay soo abaabuleen taageerayaasha dowladda Eritrea.
Qiyaastii 300 oo boolis oo la geeyey goobta ayaa dhexda u galay ‘rabshado weyn†oo dhex-maray labada koox ee iska soo horjeeday, waxaa sidaas sheegay Carsten Hofle, taliye ku-xigeenka booliska Stuttgart.
“Lama sii saadaalin xoogga iyo xaddiga rabshadaha,” ayuu yiri.
Soddon iyo laba qof ayaa ku dhaawacantay iska horimaadka, oo ay ku jiraan 26 boolis ah, afar ka mid ah ka qayb-galayaasha munaasabadda iyo laba ka mid ah taageerayaasha mucaaradka, sida ay sheegeen booliska.