ولادة Ø·ÙÙ„ مرسوم داخل أذنيه Ù„Ùظ الجلالة بمستشÙÙ‰ ÙÙŠ عجمان
Isbitaalka Amiina oo ku yaalla magaalladda Cajmaan ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa ku dhashay wiil yar, kaasi oo ay dhegihiisa ku asteysan yihiin magaca Ilaahay ” الله
Dr. Shariif Mascad oo La-taliye ka ah Isbitaalka Carruurta iyo Dhalmada Haweenka ee Amiinad ayaa sheegay inuu Isbitaalka ku dhashay Wiil yar oo ay Waalidkiisa ka soo jeedaan Qaaradda Asia, kaasi oo dhegihiisa ku asteysan yihiin magaca Ilaah.
Dhakhtarka waxa uu xusay inay tahay arrin naadir ku ah Caalamka, iyadoo Wiilkaasi ku dhashay si caadi ah, isla markaana uu aad u caafimaad qabo.
Waxa uu intaasi ku daray inuusan marna maqlin ama arkin Mucjiso noocan ah oo Qof Aadane ku dhasha iyadoo carjawadka jirkiisa laga arkayo magaca Allaah.
Dr. Shariif Mascad waxa kale oo uu tilmaamay in si waadax ah xarafka Allaah looga dhex arko dhegaha wiilka yar, isla markaana ay ku sii nagaan doonto marka uu cunuga sii koro ama sii weynaado.
“Taasi waxay la micno tahay inay ahaan doonto Farxas iyo Nasiib Insha Allaahu†ayuu yiri Dr. Shariif.
Waxaa Turjumay: Axmed Xaji Ugaaska
©Radio Dalsan