Dalsan Media – Muqdisho: Kumannaan qof oo wanaag u rajaynayay ayaa kor u qaaday naxashka uu ku jiray maydka caalimkii qarnigan Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud, oo loo yaqiinnay ‘Sheekh Cusmaan Xidig‘. Waxa ay u sii wadeen xabaalaha si ay u ridaan waajib qayb-gudaay ah, ama fardu kifaayo ah – waa in la bud dhigo marxuumiinta.
In ka badan nus qarni oo uu ahaa mid u go’ay fidinta diinta Islaamka ee dariiqiga ah ayey ajashu u timid habeenkii Sabtida soo galaysay isagoo ku sugan hoygiisa oo ku yaalla Muqdisho.
Mashaacir gaar ah ayaa lagu sagootiyay wadaadka oo ay duugtiisa soo xaadireen dad isaga kala yimid dalka iyo dibadda. Kuwo badanna ay qalbiga kala joogeen kadib markii duruufaha u diideen inay galbiyaan caalimka rabbigiisa looga rajeynayo in uu ku gallado naxariistiisa ay Jannadu ugu sarrayso ee Sheekh Xidig.
Dadka ehlu dariiqada ah ee aaska joogay waxa ay soo lugeeyeen dhowr kiilo mitir xilli cadceeddu bartanka joogto, si ay u soo gaaraan halka ay ka dhacaysay munaasibadda aaska Sheekha, oo ahayd waaxda Wajeer, degmada Kaaraan ee bariga caasimadda Soomaaliya.
“Taariikhdiisa in laga sheekeyo, oo la tacriifiyo waa ay ka dhan tahay, sababtoo ah waa la wada yaqaannay – diin fidin ayaa lagu yaqiinnay, ilaahey ha u naxariisto” ayuu yiri mufasirka caanka ah ee Sheekh Maxamuud Ow Cabdulle Cariif, isagoo ku dhow in ilmadu soo dhaafto murugo awgeed.
Waxa uu sheegay in wadaadku u go’ay u adeegidda diinta ilaahey, oo uu soo saaray mudarisiin nuuriyay cilmiga.
Sheekh Bukhaari, oo ka mid ah culamada dariiqigi ah ee joogay aaska ayaa sheegay in uu Sheekh Cusmaan ahaa caalim diinta u go’ay.
“Waxa aan seddex jeer ka soo dhunkaday wejiga anigoo wakiil idinka ah†ayuu u sheegay jamaaco hareerihiisa joogtay si uu ugu laab qaboojiyo.
Maadaama uu Sheekhu ku xeeldheeraaday funuunta kala duwan waxa uu noqday caalim afka carabiga ah, taasoo u u sahashay in uu qoro 19 kutub ama ka badan. Kutubtaasi waxa ay xoojin u noqdeen barashada culuumta diiniga ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadaysay geerida Sheekha, waxa ayna ku sifaysay wadaad saahid ah – u go’ay xagga rabbi.
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud waxa uu ahaa caalim tacab iyo waqti badan galiyay baridda iyo faafinta diinta islaamka, waxaana ka aflaxay culumo badan oo soomaaliyeed oo maanta door weyn ku leh fidinta diinta†ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya, MD. Xasan Sheekh Maxamuud.
Sheekh Cusmaan Xidig oo sanadkii 1942 – (Ku-dhawaad bartamaha qarnigii 20 aad) -ku dhashay magaalada Ceeldheer ee bariga gobolka Galgaduud ayaa waxa dadka yaqaanna sheegeen in uu da’aadda 10 jirka ku xifidiyay Qur’aanka Kariimka ah. Kadibna uu durbadiiba u dhaqaaqay raacashada kutubka funuunta kala duwan ah. Isagoo magaalada Baardheere ee gobolka Gedo u xeraystay si uu u soo kororsado culuumta fiqhiga.
Qareenka xerowga ah ee Abuukaate Dudaaye oo warbaahinta la hadlay, waxa uu dhimashada Sheekha ku sifeeyay ‘Musiibo weyn’ laakin la wada dhadhaminayo.
Madaxda hadda xilalka haya, kuwa hore, siyaasiyiinta iyo samajeclayaasha ayaa ka murugooday xijaabashada caalimka, oo ay si isku mid ah ugu sifeeyeen mid noociisu naadir ku ahaa casrigan.
Allaha u naxariisto.