Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Washingtoon ee Dalka Mareykanka, halkaasi oo ay uga qayb-galayaan shir Caalami ah oo ka dhacaya Magaaladaasi.
Wafdigaan ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige, waxaana ay gaareen magaalada Washington DC, halkaas oo lagu qabanayo shirka xiliga gu’ga (Lix biloodlaha) ee IMF iyo Banging Adduunka oo socon doona muddo hal asbuuc ah.
Ka hor furitaanka shirka loo dhan yahay, wafdiga Wasiirka Maaliyaddu waxa ay maanta kulan muhiim ah la yeesheen Dr. Mahmoud Mohieldin, oo ah Agaasimaha Sare ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF u qaabilsan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.