Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa magaaladda Kigali ee caasimadda dalka Rwanda kaga qeyb galaayo Shirka 145-aad ee Baarlamaannada Adduunka, “International Parlaimentary Unionâ€,.
Shirka-weynaha guud ayaa lagu wadaa in maaanta uu si rasmi ah u furmo,xildhibaanada ayaana waxa ay kulamo la yeesheen xubnaha Baarlamaannada waddamada Islaamka ah iyo baarlamaanka Carabta.
Labada shirba, waxaa looga hadlay xaaladaha waddamada Soomaaliya, Ciraaq, Yemen, Syria, qaddiyadda Falastiin iyo Pakistaan oo 1,700 oo qof ay ku nafwaayeen xaaladda daadadka ee dalkaas ka jirta tan iyo horraantii bishii June ee Sannadkan.
Dhankeenna, waxaan uga hadalnay xaaladda abaarta ee ka jirta Soomaaliya iyo dagaalka ay dowladda iyo dadka shacabka oo is kaashanayaan kula jiraan Al-Shabaab, oo aannu tilmaanay in loo baahanyahay taageero si aan uga guulaysanno labada mushkiladoodba.