Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga wada hadlay sii daynta in ka badan 100 maxbuus Soomaali ah oo ku xiran gobolka Najraan ee koonfurta Sucuudiga, kuwaas oo qaar ka mid ah lagu xukumay dil.
Qunsulka guud ee Soomaaliya ee Jiddah, Cabdiweli Xirsi Cabdille (Indhoguran), ayaa toddobaadkan booqday xabsiyada ay ku xiran yihiin maxaabiistaas, isagoo la kulmay amiirka gobolka Najraan Jalami Bin Cabdicasiis Aala Sacuud iyo taliyaha xabsiga.
Waxa uu sheegay in dadka xidhan ay u kala baxaan:
58 qof oo horey loo xukumay
57 qof oo dacwadoodu wali socoto
9 kale oo aan weli la maxkamadeyn
Qunsulka ayaa tilmaamay in xaaladda caafimaad ee maxaabiista ay wanaagsan tahay, inkastoo ay cabashooyin qabaan.
Maxaabiista ayaa dalbaday in loo helo macallin si ay u sii horumariyaan aqoontooda diimeed, taas oo ay madaxda xabsigu oggolaadeen.
Wadahadalladan ayaa noqonaya tallaabo diblomaasiyadeed oo muhiim ah, iyadoo Soomaaliya ay doonayso in loo naxariisto muwaadiniinteeda xiran.