Waxaa si rasmi ah loo daah-furay xeerka qaxootiga iyo magangelyo-doonka ee Soomaaliya, xeer muhiim ah oo loogu talagalay in lagu maareeyo xuquuqda iyo xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha ku sugan gudaha dalka.
Munaasabadda daahfurka ayaa ka dhacday xarunta Hay’adda Qaxootiga Qaranka, taas oo ka dhigan in Soomaaliya, oo kasoo kabanaysa dhibaatooyinkii colaadaha sokeeye ee muddada dheer jiray, ay haatan u gogol xaarayso in ay si rasmi ah u martigeliso qaxooti iyo dad ajnabi ah oo ka soo barakacay dalalkooda.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in sharcigan uu laf-dhabar u noqonayo nidaamka ilaalinta xuquuqda qaxootiga iyo magangelyo-doonka, iyada oo Baarlamaanka Soomaaliya uu horey u ansixiyay, halka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu si rasmi ah u saxiixay xeerkan. Xeerkan cusub ayaa Soomaaliya ka dhigaya dal si rasmi ah u diiwaan-geliya qaxootiga, iyada oo kaarka qaxootiga ee ay bixin doonto uu la mid yahay kaararka qaxootiga ee caalamka.
Tallaabadan ayaa loo arkaa horumar ballaaran oo dhinaca bani’aadanimada ah, maadaama ay Soomaaliya si rasmi ah u aqoonsatay xuquuqda dadka magangelyo-doonka ah. Shalay oo keliya, dad badan oo u badan qaxooti ka yimid waddamada Carabta ayaa si rasmi ah loogu diiwaan-geliyay magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay in ay la jaan-qaado nidaamyada caalamiga ah ee la xiriira qaxootiga, taas oo ay dowlado badan iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha si weyn u bogaadiyeen.
Xeerkan cusub wuxuu albaabada u furayaa nidaam casri ah oo lagu maareeyo xaaladda qaxootiga, isaga oo xoojinaya xiriirka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha qaxootiga iyo magangelyo-doonka.