Dowladda Soomaaliya ayaa Turkiga ku wareejisay ku dhawaad shan malyan oo dollar oo ay ku caawinayso dadkii dhibaatada kasoo gaartay dhul gariirkii ku dhuftay dalkaas dhowaan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SONNA.
Xaflad lagu qabtay magaalada Muqdisho oo ay ka qayb galeen ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ayaa dowladda Turkiga loogu guddoonsiiyay lacagtan oo la sheegay in la aruurinayay 20-kii maalmood ee la soo dhaafay.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa Guddi Qaran ee Gurmadka Dhul Gariirkii ku dhuftayTurkiga magacaabay 16-kii bishii febraayo.
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Ibrahim Mete YAÄžLI oo munaasabadda ka hadlay ayaa ka mahadceliyay lacagta ay bixiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed isaga oo yiri “Waxaan si kal iyo laab idiin kugu sheegayaa in lacagtan la iigu wareejiyay iyo hayiddan ay aheyd gargaarkii loo fidiyay Turkiga kii ugu qiimaha badnaaâ€.