Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Chen Wendi, oo uu kala hadlay hindiseyaal istiraatiijiyadeed oo kala duwan si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashi wadaagga dhinacyada badan leh.
Kulanka ayaa lagu lafa-guray dhowr arrimood, iyadoo laga wada hadlay siyaabaha lagu xoojin karo wax wadaagga, korna loogu qaadi karo iskaashiga si loo gaaro horumar ballaaran iyo barwaaqo labada dhinac leh.