Muqdisho – Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Boqortooyada Sacuudiga, kuwaas oo qaarkood lagu xukumay dil toogasho iyo daldalaad.
Qoraal ay soo saartay wasaaraddu ayay ku sheegtay in ay socdaan wadahadallo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Sacuudiga, si xal looga gaaro arrinta dhalinyarada xukunka adag lagu riday. Wasaaraddu waxay xustay in dadaallo xooggan lagu bixinayo sidii dhalinyaradaas looga badbaadin lahaa fulinta xukunnada.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay caddeysay in dadaallada socda lagu saleynayo heshiisyo hore oo ka dhaxeeya dowladaha Carabta, isla markaana si toos ah ay arrintan ugala hadli doonto dhigeeda Sacuudiga.
Dhanka kale, Muqdisho waxaa dhawaan ka dhacay dibadbaxyo ay dhigeen ehelada dhalinyarada xukunka lagu riday, kuwaas oo dalbanayay in dowladda Soomaaliya ay si degdeg ah uga shaqeyso badbaadinta wiilashooda.
Wasaaradda Caddaaladda ayaa xustay inay si dhow ula socoto xaaladda, ayna ka go’an tahay in xal waara laga gaaro arrinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee la xukumay.