Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u fadhida Soomaaliya Marwo KAREN Johanson.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, qorshaha marxladda kala-guurka ee Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, tababarrada Ciidamada Daraawishta Booliiska, horumarinta sharciyada iyo qorshaha xasillinta goobaha laga saaray AS.
Labada dhinac waxay isla garteen in la joogteeyo kulamada, isla markaana la dardargeliyo hirgelinta hawlaha qorsheysan iyo ka baaraandegga hawlaha hortebinta uleh amniga sida ugu daqsaha badan.