Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Howlgalka Militariga Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa iska kaashaday howlgal duqeyn ah oo lagu beegsaday dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in ciidamada iskaashanaya ay jab xooggan gaarsiiyeen dagaalamayaashii Al-Shabaab oo weerar kusoo qaaday magaalada Alkowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ka tirsan dowlad-goboleedka Hirshabelle.
Sida lagu caddeeyay warbixinta, duqeynta waxaa fuliye AFRICOM oo gacan ka helaya Ciidanka Qaranka, waxaana lala beegsaday firxadka dagaalamayaasha iyo xubnaha sare ee kooxda. Dowladda ayaa xustay in Al-Shabaab si weyn loogu jabiyay dagaalkii ay la galeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka.
Weli waxaa socda qiimeynta khasaaraha dagaalka, iyadoo la xaqiijiyay in dagaalamayaashu ay khasaaro culus soo gaartay. Dowladda ayaa xustay in shacabka Soomaaliyeed lala wadaagi doono wixii faahfaahin ah ee kusoo kordha howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada loogu yeero.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga kala dhexeeya saaxiibada caalamka, gaar ahaan AFRICOM, si loo ciribtiro khataraha ay kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ku hayaan ammaanka dalka iyo guud ahaan gobolka.