Hadalkaas waxaa lagu soo xigtay warbixin talaadadii lagu daabacay majaladda Foreign policy ee laga leeyahay Mareykanka oo si faahfaahsan loogu gorfeyay xaaladda Amniga Soomaaliya iyo beri-ka-maalin waxa uu noqonayo mustaqbalka wadanka marka ay baxaan xoogagga AMISOM.
Warbixinta waxaa lagu billaabay in xilli-howleedka AMISOM uu horraantii sannadkii 2007 ku billowday muddo lix bilood oo is-difaac ah, si ay uga hortagaan Al-Shabaab oo ka horjeedda dowladda Somaliya. Inkastoo billowga uu ahaa howlgal nabad-ilaalin hadana waa la ballaariyay iyadoo ay hadda wadanka joogaan 22,000 oo ah askar ka socota dowladaha Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti. Amisom ayaana hogaamisa howlgallada nabad-raadinta ah iyo olalaha la-dagaallanka waxa loogu yeero argagaxisada tan iyo inta laga helayo ciidan qaran oo xoog leh oo isaga filan.
Gaashaanle Ugandese ah oo ka tirsan AMISOM ayey warbixintu ka soo xigatay “Soomaaliya waa sidii adigoo nadiifiniya Doofaar,-waad nadiifineysaa, wuuna wasakhoobayaaâ€. Waxa uu is feer dhigay Soomaaliya iyo Afghanistan. Waxa uu ku dooday haddii uu isbaheysiga NATO ka tago Afghanistan in ururka Taliban ay si fudud kula wareegayaan. –“Soomaaliyana waa sidaas oo kaleâ€.
Haddii ay qiimeynta Gaashaanlaha sax tahay iyo haddii kaleba, kordhinta xilli-howleedka AMISOM iyo hubaal la’aanta waqtiga ay ka baxayaan Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqaya xaaladda calawsan ee ciidamada qaranka Soomaaliya.
“Ciidamada qaranka Soomaaliya, waxay noqon karaan kuwa aad waxtar u lehâ€. ayuu yiri khabiir ajnabi ah oo ka soo shaqeeyay in ka badan 20 wadan haatanna la-taliye u ah wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.
Majaladda Foreign policy oo soo xiganeysay La-taliye Wasaaradda gaashaandhigga Somaliya ayaa waxa uu ku nuuxnuuxsaday in ciidamada Soomaaliyeed laga dhigi karo xoogag waxtar leh balse uusan suuragal ahayn habka hadda loo shaqeynayo.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay la-taliyaha wasaaradda gashaandhigga Soomaaliya “waa sir shaacsan in xubno ka tirsan dowlada Somaliya iyo xattaa beesha caalamka ay kireystaan Al-shabab si ay u dilaan ama u cabsi-geliyaan kuwa siyaasadda kula loolamaâ€-waxaa tusaalaha ugu fiican ah weerarkii sannadkii hore lagu qaaday Hotel Dayax halkaasoo ay siyaasiyiin badan ku sugnaayeen.
“Wey adag tahay in jawaab waafi ah loo helo cidda hubka siisa ciidmaada qaranka Soomaaliya. Mareykanka, Ingiriiska iyo midowga yurub ma bixiyaan hubka wax laaya. Wadamada gacanka iyo Masar ayaa ka iibiya ama siiya hubka iyaga oo diyaarado ama maraakiib iyo doonyo Muqdisho ku keenaya, balse halkii la keydin lahaa oo la gaarsiin lahaa talisyo-qeybeedyada waxaa loo gacangeliyaa qabaa’ilka ama suuqa madow ayaa lagu iibiyaa†ayey xustay warbixinta.
Warbixintu waxa ay soo xigatay Cabdi-casiis Cali Ibraahim ‘Xildhibaan’ afhayeen iyo la-taliye hore wasaaradda Amniga Soomaaliya oo leh “Shaki iigama jiro in Al-Shabaab ay ku dhexjiraan dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ku dhex leeyihiin  ‘kula-jira kaala jirayaal’.
“Soomaalidu waxa ay dagaalka ku lumiyeen wax walba, duniduna waxa ay isku dayeysaa inay daboosho baahi walba si loo muujiyo in dowladahooda ay horumar sameynayaan; halka, [Saraakiisha dowladda Somaliya] ay si qarsoodi ah u taagerayaan Al-Shabab,† sidaas waxaa yiri tababare ciidan oo email kula hadlay Majaladda Foreign policy, isagoo ku nuuxnuuxsaday in mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya aysan dooneyn in dhibaatada laga gudbo, oo ay kaliya ka fekerayaan in lacagaha ay sii socdaan.
Warbixnta ayaa lagu soo gunaanaday hadal uu yiri la-taliyaha wasaaradda gaashaandhigga Somaliya oo ahaa “Halkan hub waad ka iibsan kartaa†bulsho caalam ahaan ma aanan soo taageereeyn wax aan ahayn shabakado dambiileyaal ahâ€