Soomaalida ku nool Canada ayaa codsaday in dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo faragaliso, oo ay hor-istaago qorshe ay dowladda Canada ku doonayso inay dalkaasi uga masaafuriso dhallinyaro Soomali ah oo si sharci darro ah dalkaasi ku galay.
Dhallinyarada ayaa la sheegay inay Canada kusoo galeen dokumentiyo aan sax ahayn. Waxay tiradoodu ka badan tahay 150 qof.
Mid kamid ah Dhalinyarada tarxiilka loo diyaariyey ayaa sheegay inay socdaan dadaalo lagu baajinayo in laga musaafuriyo dalka Canada, ayna u baahan yihiin inay soo farageliso dowladda Soomaaliya.
Dowaldda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in arrintaasi aaanay waxba ka qaban karin kiiskan, ayada oo sheegtay in dadka aysan Canada ku gelin Soomaalinimo.
Canada ayaa waxaa ku sugan Soomaali ku dhow 100 kun oo siyaabo kala duwan ku galay dalkaasi, si ay uga helaan Nolol dhaanta tan ka jirta dalkooda ee Soomaaliya oo ay aafeeyeen, dagaalo aan dhamaad laheyn, nolol xumo, shaqo la’aan, abaaro iyo dhibaatooyin kale.