Mucaaradka Kenya ayaa mar kale todobaadkaan joojiyay dibadbaxyadii ay uga soo horjeedeen dowladda Madaxweyne William Ruto, kadib markii dowladda ay isbeddal ku samaysay qaar ka mid ah tabashooyinkii ay qabeen mucaaradka.
Tallaabada ay mucaaradku mar kale ku hakiyeen dibadbaxyada mudada ay wadahadaladu socdaan ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee Kenya oo ay Soomaaliduna ay ka mid tahay.
Masรขโฌโขuuliyiinta Ganacsatada Soomaalida Kenya oo la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa u sheegay inay soo dhaweynayaan Goรขโฌโขaanka ay qaateen Mucaaradka Kenya oo ay ku joojiyeen dibadbaxyadii ay uga soo horjeedeen dowladda.
Ganacsatada ayaa xustay in rabashadihii ka dhacay dalka ay saameyn xooggan ku yeesheen Ganacsatada Soomaalida, Ardayda iyo dadka shacabka ah, isla markaana uu hakad galay ganacsigooda, iyagoo intaas kusii daray inay la kulmeen dhibaatooyin.
Goรขโฌโขaanka mucaaradka ayey ku tilmaameen Soomaalida inuu yahay mid ay ku faraxsan yihiin oo ay soo dhaweynayaan. Dhinaca kale Mucaaradka ayaa dowladda Madaxweyne William Ruto ka dalbaday inay bilaabaan wadahadalo lagu xalinayo tabashooyinka jira.