Somaaliya waxaa inta badan lagu qeexaa in ay tahay wadanka ugu qatarta badan aduunka, madaama aysan laheyn dowlad dhexe oo si buuxda dalka umaamushay mudo hada laga joogo 26 sano, waxaana la degay dagaalo sokeeye, burcad badeed, abaaro iyo gaajo, taasoo hor seeday in dadka soomaaliyeed lagu tilmaamo bulsho ay ku ay ku yartahay in ay wax qoraan.
Saaka markaan furay barteyda facebook-gga, iyadoo ay ku beegantahay sanadka cusub ee 2017, ku-dhowaad 2,400 oo saaxiibada facebook-geygga kamid ah ayeey ugu begneeyd “ Maalintii ay dhasheen†waa run in tiradaasi laba jibaarkeeda ay saaxiibo igula yihiin barteyda faecebook-gga, balse tiradaasi waa xad dhaaf, ama waxaa ay noqon kartaa mid aysan run ka aheyn in ay maanta oo kale ay dhasheen.
Soomaali badan ayaa la fahansanyahay in aysan ogeyn maaalinta rasmiga ah ee ay dhasheen, taasoo sabab u ah 26 sano oo ay kusoo nolol qaateen dagaalo, nidaamkii diiwan galinta oo bur-buray, iyo maamul ka shaqeeya nidaamka diiwangalinta oo aaney hada jirin dalka Soomaaliya.
Xitaa ka hor dagaalada sokeeye, dadka soomaalida waxaa la sheegaa in ay u badanyihiin dad reer-mii ah, dhaqankoodana lagu sheego in uu aad u balaaranyahay.
Luuqada soomaaliga ayaa la qoray, 1972 bal qiyaas wixii ka horeeyay, sida la ahaa.
Tusaale, marka qof soomaali ah uu doonayo in abuurto ama uu sameyso facebook, kama fakaro in uu qorto taariiqda rasmiga ee uu dhashay, balse waxaa uu si saxan u diiwaangalinayaa Magaalladda uu ku dhashay, qaarkoodna weey ceebsadaan in ay sheegaan in ay miiga ku dhasheen.
Maanta waxaa bilaabanaya sanadka cusub ee 2017, 2,400 oo saaxiibada facebook-gga ah ayeey u tahay in ay maata dhasheen, balse dhamaantood manta mada dhalan.
Daraasad dhawaan la sameeyay ayaa sidoo kale lagu ogaaday in 60% dadka isticmaala facebook-gga, aduunka oo dhan in bassuwer-kooda uu soo maray xili uu ahaa 123456.
Waxaan jeclaan lahaa in aan u mahadceliyo dhamaan saaxiibada barteyda facebook-gga, lana wadaago farxadooda ku beegan maalinta dhalashadooda ee sanadka cusub 2017.
Waxaa jirta maahmaan Soomaaliyeed oo oraneysa ” Wixii cusub caalamkaa jecel”.
W/Q Hassan Istiila