Waxaa sii kordhaysa tirada dalalka muwaaddiniintooda kala baxaya caasimadda Suudaan ee Khartuum, halkaas oo toddobaadkii labaad uu ka socdo dagaal culus oo u dhexeeya hoggaamiyeyaasha ciidamada.
Dhanka kale, Soomaali u badan arday ayaa isku dayaya in ay u qaxaan dhanka Suudaanta Koofureed, halkaas oo gurmad iyo isku xir ay ka waddo safaaradda Soomaaliya ee Juba.
Safriirka Soomaaliya u fadhiya Suudaanta Koofureed, Cabdixakiin Cabdullaahi Camey oo BBC-da uga warramay dedaallada ay wadaan ayaa sheegay in tiro Soomaali ah oo arday u badan ay soo gaareen magaalada Coast ee dalkaasi.
“Waxaan sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda Suudaanta Koofureed kala hadalnay in Soomaalida soo qaxday loo oggolaado inay dalka soo galaan,†ayuu yiri.
Safiirka ayaa xukuumadda Juba uga mahad celiyay sida qadarinta leh ee ay Soomaalida u qaabileen uguna oggolaadeen inay dalkooda soo galaan, iyagoo sida uu sheegay aan magacooda mooyee la weydiinin sharci.
Wuxuu intaas ku daray inay adagtahay in la ogaado tirada saxda ah ee Soomaalida kusoo qaxday dalkaas.