Hay’adda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha Mareykanka (CBP) ayaa shaacisay in ay 7-dii April ee sanadkan qabteen Xasan Maxamed, oo ah muwaadin Soomaali ah, 43 sano jir ah, kaasoo si sharci darro ah uga soo gudbay xadka u dhexeeya Canada iyo Mareykanka, gaar ahaan agagaarka Fort Covington ee gobolka New York.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay hay’adda CBP, qabashada Xasan Maxamed ayaa timid kadib markii muwaadin Mareykan ah oo feejigan uu la socodsiiyay booliska tuhun la xiriira jabsashada dhisme maqsin ah. Markii ay ciidamada xuduudaha gaareen goobta, waxay halkaas ku qabteen Xasan oo aan haysan wax dokumentiyo sharci ah oo u oggolaanaya in uu gudaha dalka si sharci ah ugu sugnaado.
Daraasaddii la sameeyay kadib ayaa lagu ogaaday in Xasan Maxamed uu sanadkii 2007 lagu helay dambiga ah dhac hubaysan oo ka dhacay gobolka Missouri, taasoo uu ku muteystay 93 bilood oo xarig ah. Waxaa kale oo la xaqiijiyay in mar hore – sanadkii 2017 – lagu amray in dalka laga masaafuriyo, kadib markii loo aqoonsaday inuu galay “dembi culus” (aggravated felony), arrintaas oo hadda saldhig u noqotay dacwadda cusub ee lagu soo oogay.
Taliyaha saldhigga CBP ee Burke, Mr. Dustin Judd, ayaa sheegay in dhacdadani tahay tusaale muuqda oo muujinaya muhiimadda wacyiga bulshada. “Ma buunbuunin karno muhiimadda ay leedahay in dadweynuhu soo wargeliyaan dhaqdhaqaaq kasta oo shaki dhaliya. Qabashadani waa tusaalaha ugu wanaagsan ee arrintaas,” ayuu yiri.
Wuxuu sidoo kale ku booriyay shacabka Mareykanka in ay si firfircoon ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, si kor loogu qaado nabadgelyada bulshada iyo sugnaanta xuduudaha dalka. “Waxaynu wada leenahay mas’uuliyadda ah inaan ka qayb qaadanno sidii bulshooyinkeena aan uga dhigi lahayn meelo nabdoon. Haddii aad wax aragto, soo sheeg.”
Xasan Maxamed ayaa hadda wajahaya dacwado cusub oo la xiriira dib-u-soo-galid sharci darro ah, waxaana la filayaa in mar kale loo gudbiyo tallaabooyin sharciyeed oo sababi kara in si degdeg ah dib loogu celiyo dalka laga masaafuriyay.