Dalka Mareykanka waxaa ka socda doorashooyinka is reeb-reebka xisbiyada gudahooda ah, waxaana gobollada ay ka dhaceen ka mid ah gobolka Ohio ay ku badanyihiin bulshada Soomaalida ah.
Soomaali badan ayaana ka qayb galay tartanka loogu jiro helista kuraasta xisbiyada Jamhuuriga iyo dimuquraadiga ah.
Ilaa iyo saddex qof oo Soomaali ah ayaa hadda ka soo baxay labadaan xisbi iyadoo laba ka mid ah ay horey u hayeen jagooyinka ay hadda ku guuleysteen.