Ciidanka ammaanka Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay labo suxufi iyo farsamo yaqaan ka tirsan Telefashinka MM oo xalay qabtay dood toos uga socotay barta X ee horey loo oran jiray Twitter.
Doodda oo ay daadahinayeen labada suxufi ee la kala yiraahdo Maxamed Ilig iyo Cabdishakuur Dayib ayaa waxa kala qaybgalay Feysal Cali Sheekh oo madax ka ah Hay’adda Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka ee Somaliland iyo Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed, waxayna ku saabsanayd “Faa’iidada iyo Khatarta Heshiiska Somaliland iyo Itoobiyaâ€.
Intii ay socotay doodda ayaa la sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa sirdoonka Somaliland ay galeen xarunta TV-ga MM ee Hargeysa halkaas oo ay ka qabteen Weriye Maxamed Ilig, Weriye Maxamed Andar iyo farsamo yaqaan Ilyaas Cabdinaasir.
Illaa hadda saraakiisha sirdoonka iyo kuwa booliska ee Somaliland kama aanay hadlin xariga suxufiyiintan xalay jeelka loo dhaadhicyay.