Iyadoo Weli Xubno ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ay ku sugan yihiin Dalka Turkiga ayaa hadana Waxaa soo Shaacbaxay in Maamulka Somaliland ay kasoo horjeedaan in wada hadal uu dhexmaro xubno ka tirsan dowladda federaalka Kuwaas oo ay ku sheegeen inay kasoo jeedaan Maamulkooda.
Xubnaha Dowladda Ka Socda ee ku Sugan Dalka Turkiga oo ay diidan tahay Somaliland Ayaa kala ah wasiirka warfaafinta ee dowladda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Cali Axmed Jamac Jangeli Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada, Saciid Qoorsheel iyo Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xildhibaan Cilmi.
Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa lagu balansanaa in Shalay oo Sabti ahayd uu ka furmo Shirka Wada hadalka Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.