Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay wax ka bedelkii shalay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku sameeyeen cutubyo kamid ah Dastuurka KMG ah ee dalka, kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay socotay doodiisa.
Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo ah Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in dastuurka xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ansixiyeen uusan waxba ka khuseyn, isla markaana aysan waligood ka qeyb ka noqon.
Wasiirka Warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas kusii daray in wax ka bedelka dastuurka dalka uusan khuseynin maamulkooda Somaliland, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay aaminsanayd in Somaliland oo maqan aan dastuur la samayn karin, hayeehee shalay la sameeyay arrintaasi.
Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay ansixiyay Cutubka 1–4-aad ee dastuurka Soomaaliya, waxaana ansixintaasi kasoo horjeeda siyaasiyiin, Madaxweyneyaashii hore ee dalka Farmaajo iyo Sheekh Shariif iyo Ra’iisul Wasaareyaal hore.
Dhinaca kale Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay aqoonsigii iyo kalsoonidii kala noqdeen Hey’addaha dowladda Federaalka inta laga helayo Hannaan Federaal oo dhameystiran oo Soomaali heshiis ku tahay.