Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay fal ay dabley hubeysan dorraad ku afduubteen gaadiid ay laheyd hay’ad samafal oo lagu magacaabo Halo Trust oo ka howlgasha deegaannada Maamulkaasi iyo darawalkii waday mid kamid ah gaadiidka.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in dableyda gaadiidka afduubatay ay kamid tahay Jabhada ku sugan buurta gacan libaax ee kasoo horjeeda Xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka Somaliland sida Booliska iyo Nabadsugida ay wadaan howlgalo dib loogu soo celinayo gaadiidka iyo darawalkii la afduubtay, isla markaana ay cadaalada horkeeni doonaan dadkii fuliyay falkaasi.
“Gaadiidka la kaxaystay illaa haatan gacanta laguma soo dhigin, waxaana hawshan gacanta ku haya ciidamada ammaanka ee Somaliland oo ay wehelinayaan ciidamada booliska ee deegaanka [uu weerarku ka dhacay]. Dawladda Somaliland waxaa ka go’an in ay cadaaladda horkeento dadkii ka dambeeyey falkaas†ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibeda ee Somaliland.
Wasaaradda arrimaha debedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland ayaa sheegtay inay u xaqiijinayso dhammaan muwaadiniinta iyo hay’adaha ajnebiga ah, in arrintani ay ahayd dhacdo gooni ah.