Maamulka Somaliland ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada ay dowladda Federaalka Soomaaliya shalay oo khamiis aheyd ay maamul kumeel ah oo madaxbannaan ugu aqoonsatay Maamulka SSC-Khaatumo.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in aqoonsiga dowladda Soomaaliya ee Maamulka SSC-Khaatumo uu yahay wax laga naxo oo khatar ku ah xasiloonida Geeska Afrika.
Somaliland ayaa sheegtay in aqbalaadda Soomaaliya ee ku dhawaaqida SSC uu yahay weerar bareer ah oo lagu soo qaaday Qaranimada iyo wadajirka Somaliland ee xuduudaheeda, waa sida ay hadalka u dhigeen Maamulkaasi.
“Somaliland waxay haysataa madax-banaanideeda in ka badan 32 sano, iyada oo ka hirgelisay xuduudaheeda nabad, amni iyo dawlad dimuqraadi ah. Intaa waxaa dheer, waxay si weyn uga qayb qaadatay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.†Ayaa lagu yiri Warka ay soo saartay Wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliland.
Waxaa intaas lagu sii daray Qoraalka “Si kastaba ha ahaatee, tallaabadii ay Soomaaliya dhawaan ku marti-gelisay oo ay ku aqoonsatay hoggaamiyeyaasha maleeshiyada Somaliland-diidka ah ee Muqdisho ku sugan, ayaa si weyn u khatar gelinaysa nabadda iyo nabadgelyada gobolka, taas oo caddaynaysa in Soomaaliya ay ka qayb-qaadanayso hurinta dagaallada iyo xasillooni-darrada Laascaanood billowgiiba.
Xukuumadda Somaliland ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay gabi ahaanba ka laabato taageerada ay siiso Maamulka SSC-Khaatumo oo ay shalay dowladda Federaalka u aqoonsatay Maamul kumeel gaar ah.