Somaliland ayaa sheegtay in saaka weerar lagu qaaday fariisimada ciidamadeeda ee ku sugan agagaarka Magaalada Laascaanood, weerarkaas ayay Xukuumadda Somalialnd tilmaamtay in wax khasaaro ah aysan kasoo gaarin.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Gudahaha Somaliland ayaa lagu yiri “kooxaha huwanta ah ee sugan Magaalada Laascaanood ee ka kooban argagixiso, Nabad-diid iyo Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06/03/2023 weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Somaliland ee ku sugan agagaarka Magaalada Laascaanoodâ€.
Somaliland ayaa intaa ku dartay in ay ka jawaabeen weerarka ay soo qaadeen waxa ay ugu yeereen kooxaha isgarabsanaya.
Ugu dambeyntii War-saxaafadeedka kasoo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay weerarkaas ujeedadiisu tahay in la hor istaago ama la carqaladeeyo deddaalada lagu xoojinayo nabaddaynta Magaalada Laascaanood.
“Waxay cadaynaysaa in weerarkan saaka ay soo qaadeen kooxaha huwantu ay ujeedadiisu tahay in la hor istaago ama la carqaladeeyo deddaalada lagu xoojinayo nabaddaynta Magaalada Laascaanood. Talaabadan oo muujinaysa sida kooxaha argagixisada ah iyo Maamulka Puntland aanay u ogolayn in shacabka Magaalada Laascaanood nabad helaanâ€ayaa lagu yiri Qoraalka oo uu ku saxiixnaa  Cabdilaahi Axmed Caarshe Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Somalialnd.