Ciidamada Somaliland, ayaa sheegay maanta iney guulo ka gaareen dagaal ka dhacay gobolka Sool, kaasi oo saaka Barqanimadii ka billawday Bariga iyo Galbeedka Magaaladaasi.
Taliyaha Ciidanka Soomaliland Jeneral Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in ciidankooda dagaal lagu soo qaaday, isagoo dhinaca kasoo horjeeda ku tilmaamay ‘huwan dhibaatooyin ka wadda gobolka Sool’.
Jeneraal Taani ayaa tilmaamay in jihooyin kala duwan lagaga soo duulay, sida Galbeedka Laascaanood, Bariga Laacaanood iyo Dhaban-saar.
Taani wuxuu carabka ku dhuftay iney jiraan dhimasho iyo dhaawac, ha yeeshee ma uusan carab baabin tiro cayiman.
C/risaaq Xasan Falaalug oo u hadlay dhinaca ay is hayaan Somaliland ayaa ku eedeeyey milateriga Somaliland inay dagaalka ayagu qaadeen, ayna dhankooda – ka Deegan ahaan – diyaar u yihiin nabad.