Somaliland ayaa si adag uga hadasgay wada-hadal dhex-maray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Itoobiya, wada hadaladaas oo ka dhacay dalka Turkiga.
Wadahadallada oo  Ankara ku dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsanaa xal u helista khilaafka labada dhinac ee ka dhashay is-afagardkii ay Addis-Ababa la gashay Somaliland ayaa dhinacyadu waxaa ay kawada fariisteen.
Guddoomiyaha Gudida Heshiiska Isfahan ee Somaliland Iyo Itoobiya Baashe Cawil ayaa VOA uga waramay mawqifkooda shirka Turkiga ay ku yeesheen wasiirrada arrimaha dibedde ee Itoobiya Iyo Soomaliya.
Wasiirka u hadlay Somaliland ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay kawada ahdleen arrimo iyaga u gooni ah, sidaas darteedna aysan jirin wax ka quseeya Somaliland, waxaana intaasi uu ku daray in Somaliland ay ilaashanayso maxlaxadeed.
Guddoomiyaha Gudida Heshiiska Isfahan ee Somaliland Iyo Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in habsami u socodka heshiishka uu meel fiican marayo isla markaana ay ka shaqeynayaan, waa siduu hadalka u dhigaye.
Heshiis beenaadka ay dhawaan kala saxiixdeen Muuse Biixi iyo Itoobiya ayaa waxaa si weyn kaga hor yimid bulshada Soomaaliyeed iyo dowladda dhexe, waxaana lagu tilmaamay inuu yahay mid xad gudub iyo meel ka dhac ku ah madax-banaanida Soomaaliya.
Wadahadallada oo Ankara ku dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsanaa xal u helista khilaafka labada dhinac ayaa yeelan doona sida la sheegay waji 2aad, kaasi oo dhinacyadu ay kaga wada hadli doonaan khilaafka iyo madmadowga siyaasadeed ee kasoo dhex cusboonaaday.