Hargeysa – Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah u mamnuucday dhammaan bandhig faneedyada iyo cawaysyada, xilli uu socday abaabul loogu diyaargaroobayay bandhig ay fanaanadda Haboon Nuura ku qaban lahayd magaalada Hargeysa.
Warqad rasmi ah oo kasoo baxday Somaliland ayaa lagu shaaciyay go’aankan, waxaana lagu amray in la joojiyo dhammaan xafladaha faneed ee la qorsheeyay.
Tallaabadan ayaa imaaneysa maalmo un kaddib markii Haboon Nuura laga hor istaagay bandhig ay ku qaban lahayd Muqdisho, taasoo keentay in ay dib ugu laabato Hargeysa.
Xogo dheeraad ah ayaa tilmaamaya in fanaannadu ay Hargeysa ku diyaarineysay bandhig faneed, balse go’aanka lama filaanka ah ee kasoo baxay Somaliland uu si toos ah u hakiyay qorshaheedii.
Dad badan oo ka falceliyay arrintan ayaa rumeysan in mamnuucidda bandhigyada ay si gaar ah u beegsanayso Haboon Nuura, maadaama xilliga la shaaciyay xayiraadda uu si dhow ula jaanqaaday abaabulkeeda faneed.
Si kastaba, mamnuucidda bandhigyada faneed ayaa dood badan dhalisay, iyadoo dad badan ay isweydiinayaan waxa sababay xayiraadda iyo cidda sida gaarka ah ay u saameynayso.