Somaliland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa ka wada hadlaya dagaallo sababay khasaaro badan, kuwaas oo maalmahan ka socday deegaan lagu magacaabo Dacawaleey.
Wefdi ka socda Somaliland, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha Cabdale Sandheere, ayaa saaka ka baxay Hargeysa, iyagoo ku soo wajahan Wajaale halkaas oo ay kulan kula yeelanayaan wefdi ka socda dowladda Federaalka Itoobiya.
Wadahadalka ka socda labada dhinac ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay isku fahmi waayeen, taas oo keentay in dowladda Itoobiya ay si toos ah u farageliso arrintan. Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saari doonaa dagaalka ka dhacay deegaanka Dacawaley, kaas oo u dhexeeya ciidamada Liyuu Booliska iyo dadka deegaanka.
Maamulada Somaliland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa isku khilaafay sababta dagaalkan Dacawaley, taas oo ka dhigaysa in Somaliland ay kala arrinsato dowladda Federaalka Itoobiya.
Dagaalkii shalay ka dhacay ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac badan, iyadoo labada dhinacna ay soo gaareen khasaare ba’an.
Sidoo kale, ciidamada Liyuu Booliska ayaa qafaashay odayaal kasoo baxay colaadda shalay, kuwaas oo doonayay inay isku dhexgalaan labada dhinac ee dagaalamaya. Odayaashaas waxaa lagu hayaa magaalada Jigjiga.