Xildhibaano ka socda Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo shir ku yeelanaya Nairobi
Xildhibaano ka socda Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo shir ku yeelanaya Nairobi
Magaalada Nairobi ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shir ay yeelanayaan xildhibaano ka kala socda labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ka tirsan Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulankan ayaa la sheegay inuu diiradda saarayo xoojinta wada shaqeynta siyaasadeed iyo mideynta mowqifyada saddexdan maamul, xilli uu dalku marayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.
Wararka ayaa tilmaamaya in xildhibaanada kulmaya ay ka arrinsan doonaan xaaladda guud ee siyaasadda dalka, gaar ahaan khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada.
Sidoo kale, kulanka ayaa la filayaa in lagu falanqeeyo sidii loo heli lahaa mowqif mideysan oo ay saddexdan dhinac uga jawaabaan arrimaha taagan, loona xoojiyo iskaashiga siyaasadeed ee mustaqbalka.
Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee gudaha iyo dibadda dalka, kuwaas oo la xiriira jihada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo doorashooyinka la filayo.