Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibedda) ee Midowga Afrika ayaa si buuxda isugu raacay in Soomaaliya ay noqoto dalka kaliya ee ka socda Bariga Afrika ee u sharaxan mid ka mid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee muddo xileedka 2025-2026.
Ku-Simaha Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Balcad) ayaa sheegay in arintaan ay tahay guul weyn, taas oo sare u qaadeysa magaca Soomaaliya iyo doorkeeda hoggaanka adduunka iyo go’aamada masiiriga ah.
1971-1972 ayaa Soomaaliya ugu dambaysay inay qeyb ka noqoto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.