Ciiddanka Ammanaka ee dalka Tanzania ayaa sheegay inay qabteen 10 qof oo Soomaali ah oo lala xiriirinayo inay xubno ka yihiin Xarakadda Alshabaab.
Taliyaha Boliska dalkaasi, Paul Chagonja ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee REUTERSÂ inay Eedeysanayaashaasi ku qabteen Degmadda Kilombeero ee Gobalka Morogoro oo qiyaastii 200-KM dhanka Bari kaga toosan Caasimadda dalkaasi ee Darasalaam.
Taliyaha Boliska Gobalka Morogoro, Lenord Paul Lawabuzala ayaa sheegay inay Eedeysanayaasha ka soo qabteen Masaajid gudihiisa, iyadoo mid ka mid ah laga soo dhex qabtay meel ay dadka ku badan yihiin.
Waxa uu intaasi ku daray in Eedeysanayaasha laga soo qabtay Masjidka lagu qabtay 30 walxaha qarxa, qalabka miinooyinka lagu qarxiyo, Calanka Madow ee Xarakadda Alshabaab, Labiska Milliteriga, Mindiyo iyo  Weji-gashi ama Maasgaro, waa sida uu hadalka u yiri.
Dhinaca kale,  Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi ayaa la sheegay in heegan buuxa la geliyey, tan iyo wixii ka dambeeyey, markii ay Xarakadda Alshabaab bilowgii bishan weerarka ka geysteen Jaamacadda Garissa ee dalka Kenya, laguna dilay 148-qof.