Maxkamadda Federalka ee magaalladda Calgary ee dalka Kanada waxaa shalay la soo taagay Iimaam Somali ah oo lagu magacaabo Cabdi Xersi, kaasi oo ay Dacwad ka taallo Maraykanka.
Kiiska Maxkamadda ayaa lagu eegay sidii loogala laaban lahaa Qaxootinimadda, si uu u wajaho Dacwadda ka taalla dalka Maraykanka, taasi oo lagu sheegay inuu sannadkii2006-dii ku xadgudbay labo haween oo Bukaan ahaa, kuna jiray Isbitaal uu ka shaqeyn jirey oo ku yaalla Gobalka Minesotta ee dalka Maraykanka.
Eedeysanaha oo ku noolaan jirey Maraykanka ayaa u soo guuray dalka Kanada sannadkii 2008-dii, oo laga siiyey Magangeliyadda Qaxootinimadda.
Garsooraha Maxkamadda Federalka ee magaalladda Calgary, Jeemis Rusel ma shaacinin xilliga uu ku dhawaaqi doono Go’aanka Rasmiga iyo haddii Eedeysanaha lagala noqon doono Magangeliyadda Qaxootinimadda laga siiyey Kanada.
Dhinaca kale, Garyaqaanka Eedeysanaha oo lagu magacaabo Raj Sharma ayaa beeniyey dacwadaha loo haysto Cabdi Xersi, wuxuuna xusay inay Noloshiisa khatar ku jirto  haddii loo soo masaafuriyo dalka Somalia.
Xigasho: CBCNEWS
©Radio Dalsan    Â