Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo Agaasimaha Caafimaadka Hay’adda SoDMA, Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed ayaa Isbitaalka Ciidanka Xoogga dalka ku booqday dhaawacyada geesiyaasha qaranka ee maanta AS ku jabiyay dagaallo ka dhacay degaannada Wargaadhi iyo Labi-goley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Gudoomiyaha oo xubin ka ah Guddiga Qaran ee Taakuleynta Dagaalka lagula jira AS ayaa Agaasimaha Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Md. Saadaam Cabdullaahi Cismaan ku wareejiyay daawooyinka gargaarka degdegga ah iyo gaari Aambalaas ah oo loogu tala-galay in loogu adeeego ciidanka qaranka iyo geeshiyaasha u taagan dib u xoreynta dalka.
Gudoomiyaha Hay’adda SoDMA, ayaa ammaanay doorka naf-hurnimo ee ciidamadu ku muujinayaan furimaha hore ee dagaalka iyo guulaha ay ka gaareen la-dagaallanka argagixisada, isagoo xusay in Hay’adaha ku shaqada leh ee Dowladda ay ka go’an tahay xoojinta adeegyada iyo daryeelka ciidanka geesiyaasha ah ee ku jira howlgalada ka dhanka ah.