Qaar ka mid ah Siyasiyiinta, Sladiinta iyo Waxgaradka Beelaha degga Somaliland ayaa maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magalladda Muqdisho oo ay ku shaaciyeen inay ka qeyb geli doonaan Doorashadda Dadaban ee dalka.
Waxay sheegeen inay tixgelinayaan Heshiiskii Madasha Wada-tashiga Qaranka ku yeesheen magaalladda Kismaayo ee looga hadlay Marxalladda Kala-guurka ee Somalia.
Waxay kaloo ugu baaqeen Guddiga Doorashooyinka inay dedejiyaan doorashada labada aqal ee ka imaanaya Gobolada Waqooyi.
Siyaasiyiin miisaan culus ku leh Siyaasadda Somalia ayaana ka qeyb galayo Doorashadda xubnaha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Barlamanka soo socda, waxayna Cod-bixintaasi ka dhici doonto Xarunta Gaadiidka Boliska ee Degmadda C/casiis ee magaalladda Muqdisho.
HALKAN KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA:-
.